Friday, April 14, 2023

ILINTII AGOONKA

 


Chapter 6 Ilintii Agoonka

Sulub isaga oo tixgalinaya hadaladii asxaabtiisa wuxuu ku hakaday magaalo udhow magaaladii ay kunoolayeen waxaana halkasi aykuheysteen ama uga furneyd xarunyar oo caafimaad waxayna sulub usoo dhaweyeen habmaamuus aad usareyo waxayna usheeegeen in uu xaruntaasi kasii shaqeysto inta uu kaimaanayo imtixaankale wuuna ka,aqbalay waayo sulub markiisii haraba wuxuu ahaa mid sugaya 3bilood oo ay usoo qabteen kuwii uu imtixaanka usoo galay .

Dhalin yaradii sulub waxay kuwareejiyeen xaruntii caafimad waxana ahaayeen kuwo isku hambal yeeya sidaasna ku kalatagay .

Sulub waxaa fuushay masuuliyad ah ilaalinta hantidii lagu dhaafay .sulub waxaa ku adkaa nolosha meesha iyo deegan uusan waligiis imaanin iyo dad uusan aqoon u laheyn dhaqankooda wuxuuse aad ugu dadaalaya in ay isfahmaan waliba siwanaagsan.

Durbadiiba sulub wuxuu sifudud ku dhaxgalay bulshadii kunooleyd deegaankii sulub wuxuu isku aadiyay dhalin yaro deeganka ah kuwaas oo qabay baahi waxbarasho sigana uu kadhiganayay gabaad .

Lakulanka dhalinyaradaas waxay u aheyd fursad si ay isku fahmaan bulshadan uu kucusub yahay tiina wuu kuguuleystay sulub

Caqabada sulub uusan xalin kareynin waxay aheyd in maamulka kajiray halkaasi uu ahaa maamul aad u adag nidaamka uyaalay

Wuxuu culeys isku saaray sidii ay isku fahmi lahaayeen maamulkii kajiray deegaankas dadaal dheer kadib wuu ku guleystay in ay isfahmaan maamulkii waxay aheyd caqabadii ugu adkeed uu kagudbo

Mudo 2 bilaad kadib waxaa imtixaan soo dhajisay heyadii ay ushaqeynayeen dhalin yaradii sulub saaxibadis ahayeen wuxuuna geystay warqadihiisii silamid ah waxaa warqado geystay dhalin yaro deegano kaladuwan oo waliba kala fogfog .

Tirada warqadaha geysatay waxay dhamaayeen 278 dhalin yaro shaqo doon ah waxaana looga baahnaa 7 qofood .

ILAAHEY wuxuu wato waa iska sidaan sulubna wuxuu noqday qofkii 1baad ee laqaado ama lashaqaleysiiyo waxayna sulub u aheyd maalinkale oo farxad u ah sulub iyo qooskiisa.

Sulubna maalintaas wixii kadambeyay wuxuu dusha saartay masuuliyad qooskiisa ayagoo wali qaxooti ku ah dalkoodii wuxuuna kazoo raray halkii ay kunoolaayeen wuxuuna soo dajiyay meel kanolol dhaanta halkii ay kunoolaayeen

3 comments:

  1. Waan rajeynaa in wax waliba ay caadi unoqon doonaan waxaan rajeynaa in aan wada gaarno gabagabada sheekadan

    ReplyDelete
  2. Dunidu waa meerto dadaalkuna mareebna

    ReplyDelete
  3. Waa sugeymaa dhamaadka sheekadan

    ReplyDelete

Dhibaatada lagu hayo dadka kasoo jeeda kanfurta somalia

Warbixintan ayaa waxat tahay mid ka hadlaysa dhacdo murugo leh, waxaana sidoo kale ay ku jiraan macluumaad ku saabsan sida arrintaasi loo so...